Natiijo Hordhac ah oo lagu ogaaday waxtarka Tallaalka Ruuska ee Karoona.

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Natiijo hordhac ah oo ka soo baxday tijaabadii tallaaka Ruushku soo saaray ee ka hortagga fayraska korona ayaa muujisay in talaalkaa Sputnik Vee waxtarkiisu yahay 92%.

Natiijadan oo ka soo baxday tijaabo saddex qaybood ahayd ayaa lagu faafiyey majallada lagu qoro cilmi-baadhista caafimaadka ee la yidhaa Lancet Medical Journal.

Qiyaastii labaatan kun oo qof ayaa ka qayb qaatay tijaabada waxaana dadkaa lagu mudayey laba irbadood oo talaalka ah. Hase yeeshee, waxa markii hore jiray walaac laga qabay talaalkaa markii dawladda Ruushku ogolaatay in dadka la siiyo iyada oo aanay tijaabadiiba dhamaan.

Wadamo ay ka mid yihiinn Argentina iyo Bolivia ayaa talaalka Sputnik Vee ka door biday talaallada kale ee la soo saaray. Madaxa waaxda maalgashiga ee shirkadda soo saartay talaalkan ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in talaalkan lagu sidki doono kuwa kale ee la soo saaray si dadka dunida loo badbaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here