Nani Oo Sharaxay Sababtii Uu Isaga Diiday Arsenal & Real Madrid Una Doortay.

0
400

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Nani ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu isaga diiday kooxaha Arsenal iyo Real Madrid una doortay ku biirista Man United sanadkii 2007.

Xiddiga reer Portugal ayaa 4 horyaal prmeier League iyo champions League kula guulaystay United 7 sano oo uu joogay Old Trafford.

Laakiin arinta ayaa ka duwanaan lahayd sidaas iyada oo uu xiddigu iska diiday kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Real Madrid.

Nani ayaa wakhtigaas u ciyaarayay kooxda Sporting Lisbon markaas oo ay xiiso u muujiyeen kooxaha waaweyn ee reer yurub.

Rabitaankiisa ka garab ciyaarida xiddiga ay isku xulka yihiin ee Cristiano Ronaldo ayaana door weyn ka qaatay in uu Nani iska diido kooxaha Arsenal iyo Real Madrid.

Ronaldo ayaa 4 sano ka hor isaga ku biiray Man United waxana uu tababare Carlos Queiroz sidoo kale qayb ahaa shaqaalaha Tababarka Man United waxan uu Nani doortay in uu 22 milyan ugu biiro Man United.

“Wakhtigaas waxa aan ahaa mid nasiib badan sababta oo ah waxa aan la shaqaynayay wakiil xoogan waxana aan lahayn xidhiidh fiican”ayuu Nani u sheegay Daily Star.

“Sidoo kale waxa wakhtigaas Man United muhiim ka ahaa xiddiga Ronaldo oo aan soo wada marnay isku wado, marka loo eego in uu Sporting Lisbon u soo ciyaaray ka hor intii uuna Ferguson keenin Man United”.

“Carlos Queiroz ayaa sidoo kale joogay Man United waana tababare Portugal ah sidaas darteed aad ayaan ugu xiiso qabay”.

“Wakiilkayga ayaa i waydiiyay in aan kala doorto kooxo badan sida Chelsea, Arsenal, Real Madrid, Juventus iyo Bayern Munich”.

“Kadib waxa aan doortay Man United sabab la xidhiidha in ay Man United joogaan dad aan aqoon isku leenahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here