Muxuu yahay tallaalka cusub ee Malaariyada ee la soo saaray?

0
200

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tallaalka duumada oo leh awood “isbefdel ku sameyn karta adduunka” ayaa waxaa sameeyay saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Oxford.

Kooxdu waxay filaysaa in ay si buuxda u soo saarto sanadka soo socda kaddib markii tijaabooyinkii la sameeyay ay muujiyeen ilaa 80% in tallaalku uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka dilaaga ah ee mallaariyada.

Muhiimadda uu leeyahay tallaalka ayay saynisyahannadu ku sheegeen inuu yahay raqiis, ayna  horay u galeen heshiis ah inay ku soo saaraan in ka badan 100 milyan oo dawada tallaalka ah sanadkiiba.

Hay’adda samafalka duumada ee No More ayaa sheegtay in horumarkan uu la macno yahay in carruurta u dhimanaysa mallaariyada ay meesha uga bixi karto “si abidi ah”

Waxay qaadatay in ka badan qarni in la sameeyo tallaalo wax ku ool ah maaddaama barasaytka (parasite) malaariyada sababa ee ay faafiso kaneecada uu yahay mid aad u adag oo aan muuqan.

Sanadkii la soo dhaafay, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa fursad taariikhi ah siisay shirkadda weyn ee dawooyinka (GSK) si ay u soo saarto tallaalkii ugu horreeyay ee malaariyada oo laga isticmaalo Afrika

Hase yeeshee, kooxda seynisyahannada ah ee Oxford waxay sheeganayaan in tallaalkoodu uu waxtar badan yahay, sidoo kalena wax badan la soo saari karo.

Natiijooyinka tijaabada lagu sameeyay 409-ka  carruur ah oo ku nool Nanoro, Burkina Faso, ayaa lagu daabacay jaraa’idka Sheybaarka Lancet Diseases Infection.

Tijaabooyinka tallaalku waxay muujinayaan in ilaa iyo siddeetan boqolkiiba uu yahay mid waxtar leh marka la eego labadii sano ee la soo dhaafay.

“Waxaan u maleyneynaa in xogtan ay tahay tii ugu wanaagsanayd ee laga helay goobaha lagu sameeyo tallaalka duumada,” ayuu yiri Prof Adrian Hill oo ah maamulaha Machadka Jenner ee jaamacadda.

Kooxdu waxay billaabi doontaa habka lagu ansixinayo tallaalkooda dhowrka toddobaad ee soo socda, laakiin go’aanka kama dambaysta ah wuxuu ku xirnaan doonaa natiijada tijaabo weyn oo lagu sameeyo 4,800 oo carruur ah ka hor dhammaadka sanadka.

Malaariyada waxay ahayd mid ka mid ah aafooyinka ugu waaweyn ee soo maray hay’adaha bani’aadannimada, waxayna inta badan dishaa dhallaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here