Muxuu yahay Qorshaha Suuqa Kala Iibsiga Sanadkaan ee Koxda Man City .

0
460

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola iyo waliba maamulka Kooxdaas ayaa go’aan ka gaadhay qorshohooda suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa si weyn loo filayay in ay si xoogan u gasho suuqa kala iibsiga xagaaga kooxdana ka xoojiso boosas badan kadib markii ay soo qaadatay xilli ciyaareed adag xilli ciyaareedka 2019/2020

Laakiin sida kooxaha adduunka oo dhan Man City ayaa wajahaysa dhaqaale xumo adag kadib markii aanay muddo 8 todobaaad ah ciyaarin wax kulam ah premier League iyo waliba tartamada kale oo dhan.

Arintaas ayay sabab u tahay xanuunka Coronavirus ee sida xun ugu faafay adduunka kaas oo sabab u noqday in la joojiyo dhamaan dhaq-dhaqaaqa kubada cagta oo dhan.

Wargayska Manchester Evening ayaa sheegaya in ay Man City go’aamisay in ayna si xoogan u galin suuqa kala iibsiga xagaaga sabab la xidhiidha dhaqaale xumo soo wajahday kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Pep Guardiola adeegsan doono xiddigaha da’yarka ah ee kooxda isaga oo qaar u soo dalici doona kooxda waaweyn si uu ugu buuxiyo boosaska uu doonayo.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here