Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Bar-Barihii Ay Arsenal La Gashay Liverpool.

0
153

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Liverpool kulan ka dhacay Anfield kana tirsnaaa horyaalka premier League.

Arsenal ayaa iska khasarisay 2 gool oo ay ku hor martay qaybta hore ee ciyaarta waxana ay haatan 6 dhibcood ka horeeyaan kooxda Man City.

“Wow, ciyaar aad u adag, ciyaarta gacanta ayaan ku haynay laakiin markii ay gool aan fiicnayn naga dhaliyeen kulanka ayaa dhinaca kale isku badalay, si wanaagsan ayaan ku bilownay daqiiqadihii ugu horeeyay [qeybtii labaad] laakiin markii dambe waan xakameynay, waxay noqotay mid aad u adag, Liverpool waxa ay dhalin karta saddex ama afar, waa run waxa aanu dhalin karaynay laba ama saddex, ugu dambayn ciyaartu waxa ay ku dhamaatay si cadaalad ah”.

“Ma arkin koox maamusha ciyaarta garoonkan xilli ciyaareedkan, waxa ay garaaceen dhamaan kooxaha waaweyn, Waxa ay la ciyaareen Real Madrid waxana ay dhalin kareen 4 gool 20-ka daqiiqo ee ugu horeeya”.

“Waxa aan qaadan karnay 3-da dhibcood, hadii aanu ciyaari lahayn sidii aan u ciyaarnay 15-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee ciyaarta laakiin umaanu ciyaarin”.

Markii la waydiiyay waxa ay halka dhibic uga dhimantahay tartanka premier League Arteta ayaa yidhi”Horay ayaan u socon doonaa, waa in aan u ciyaarno sidii aan u ciyaarnay 30-kii daqiiqo ee ug horyasay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here