Muxuu Lionel Messi Ka Yidhi Guuldaradii Lama Filaanka Ahayd Ee Xulkiisa Ka Soo Gaadhay Xulka Suadi Arabia.

0
200

Xiddiga xulka Argentian ee Lionel Messi ayaa ka hadlay guuldaradii xulkiisa ka soo gaadhay Saudi Arabia koobka adduunka kulan ka tirsanaa Group-ka C.

Xulka Argentina ayaa guuldaro kala kulmay xulka Saudi Arabia inkasta oo ay ku hor mareen goolka 1-aad ee ciyaarta qaybtii hore ee ciyaarta.

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolka kaliya ee xulkiisa isaga oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay xulkiisa daqiiqadii 10-aad ee qaybta hore ee ciyaarta.

Messi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa arin ka nixisay cid walba, marna maanu filayn in aan sidan ku bilaabano koobkaa dduunka, wax walba waxa ay u dheceen sabab, waa in aan u diyaar garawno kulamada soo socda, waa in aan badion kulamada xiga, anaga ayay nagu xidhantahay”.

“Ma jirto cudur daar. Waxa aan noqon doonaa kuwo isku duuban si ka badan sidii hore, Xulka Argentina wuu xooganyahay, wayna soo bandhigeen, Guuldaradan waa mid aanan muddo dheer ka fikirin, hadda waa in aan muujino in aan nahay koox dhab ah”.

“Waxa aan ogayn in xulka Saudi Arabia haystaan xiddigo fiican oo si cajiib ah u riixa kubada isla markaas weeraro qaadi kar”.

“Waa in aan ku laabano halka ugu hoosaysa shaqada isla markaas ka fikirno waxa soo baxa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here