Musuqmaasuq hareeyey Baarlamaanka Midowga Yurub

0
178

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dacwad oogayaasha dalka Giriigga ayaa xayiray dhammaan hantidii ay lahayd haweeney Giriig ah oo ka tirsan baarlamaanka Yurub, Eva Kaili, taasoo lagu xiray dalka Belgium, laguna eedeeyay fal musuqmaasuq.

Kaili ayaa la sheegay in lagu qabtay gurigeeda iyadoo sidata boorso lacag ah.

Baarayaasha ayaa rumeysan in lacagtaasi ay tahay lacag ay Qadar ka heshay, taas bedelkeedana ay ku taageertay dalkaasi doodihii ka dhacay baarlamaanka Yurub. Inkasta oo ay Doxa diidday iney laaluushtay xubnahan.

Mar sii horreysayna, Guddoomiyaha Dhaqaalaha Midowga Yurub Paolo Genti-loni wuxuu sheegay in fadeexada musuqmaasuqa ee baarlamaanka Yurub ay si weyn u dhaawacayso sumcadda hay’addaasi.

Afhayeenka dowladda Griigga Giannis Oikonomou wuxuu hoosta ka xariiqay halista kiiskan musuqmaasuqa uu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here