Mustaqbalka Kylian Mbappe Oo Ugu Dambayn Dhinac U Dhacay & Real Madrid Iyo Liverpool Oo Xogtii Ay Sugayeen Helay

0
305

Kooxaha doonayay saxeexa Kylian Mbappe oo ay ugu horreeyaan Real Madrid iyo Liverpool ayaa u muuqda kuwo war ay ku qancaan ka helay da’yarka Paris Saint-Germain oo u muuqda mid dhinac u jiheeyay mustaqbalkiisa dhaw.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay gaar ahaan wargeyska xog ogaalka ah ee Marca, Mbappe ayaa aad ugu dhaw inuu heshiis kordhin u sameeyo kooxdiisa Paris Saint-Germain.

Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo oo saxaafada la hadlay kaddib kulankii ay guusha ka gaadheen Montpellier sheegay inay horumar fiican ka sameeyeen wada xaajoodka ay heshiiska cusub kaga doonayaan 21 sano jirkooda.

Heshiiska Mbappe uu hadda ku joogo gegida Parc des Princes ayaa ah mid dhacaya sanadka 2022, kaddib markii uu Mbappe goolkiisii 100-aad u dhaliyay Paris habeen hore ayay kooxdu baraha bulshada soo dhigtay muuqaalka isaga iyo Leonardo oo si diiran isku hambalyaynaya.

PSG ayaa og inay adagtahay in Mbappe iyo Neymar labadaba kooxda lagu wada hayo iyadoo heshiisyadoodu ay yihiin kuwo isku wakhti dhacaya balse ma aysan joojin isku dayga ay kaga doonayo heshiis kordhinta.

Marka si gaar ah loo eego heshiiska Mbappe, wali ma jiro wax dhab ah oo la saxeexay balse caqabadaha hor taagan heshiis kordhintiisa ayaa ah kuwo ka yar intii hore.

Mid kamida furayasha muhiimka u ah si ay ugu qanciyaan inuu sii joogo ayaa ah inay qorshe wanaagsan oo ay ugu tartamayaan Champions League usoo bandhigaan una muujiyaan sida ay Real Madrid ula dhigayaan tartan ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here