Musiibada Dhaawacyada Liverpool Oo Wali Socota Iyo Joel Matip Oo Ku Biiray Liiska Van Dijk & Joe Gomez

0
283

Liverpool ayay isku darsameen barbarro niyad-jab ah iyo dhaawac haleelay difaacooda Joel Matip oo lagu qasbay inuu ka baxo qaybta dambe ee ciyaartii West Brom.

Difaacar eer Cameroon ayaa si degdeg ah uga baxay garoonka iyadoo aanu isku dayin inuu kusii jiro kaddib daaweyn loo sameeyey, waxaana lagu beddelay Rhys Williams.

Dhaawaca Joel Matip oo u muuqday inuu yahay mid qanjidhka lugta sarcanta ama muruq ayaa bixitaankiisu uu fursad u noqday West Brom oo gool madax ah ka dhalisay kooxdiisa, iyadoo maqnaanshihiisana la dareemay labaatankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey.

Matip ayaa Liverpool u ciyaaray 10 ka mid ah 23kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, waxaanu inta kale oo dhan ku maqnaa dhaawac, hase yeeshee markii ay garoomada macasalaameeyeen Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ayuu noqday shimbir la baxsaday Jurgen Klopp inkasta oo uu isaguna dhawr ciyaarood uu maqane ku ahaa dhaawac.

Laacibkan hore ee Schalke ay kasoo iibsatay Liverpool ayaa la saaray saacad markii ay socotay ciyaartii Fulham ee badhtamaha bishan December, waxaanu ka maqnaa kulankii ay barbarraha kooxdiisu la gashay Tottenham ee ka dhacay Anfield, hase yeeshee wuxuu dib usoo laabtay ciyaartii xigtay.

Liverpool ayaan kasoo saarin warbixin maadaama uu waqti dhow yimid dhaawaciisu, waxaana la filayaa inuu Isniinta berri mari doono baadhitaano ka hor inta aanay kooxdu shaacinin muddada uu maqnaan doono.

Hase yeeshee waxa hubaal ah in Joel Matip uu seegayo kulanka Newcastle United ay kooxdiisu u tegayso December 30, waxaana uu Klopp beddelkiisa u kala xulan doonaa Williams iyo Nat Phillips oo uu midkood kusoo ladhi doono Fabinho.

Si kastaba, waxa Liverpool ka maqan difaacyadii dhexe ee rasmiga ahaa dhamaantood, taas oo Klopp ku riixi karta inuu sameeyo saxeexyo booskaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here