Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sanad walba Dunida Laga xusaa Maalinta badqabka cuntada Aduunka Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, Ganacsato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta badqabka cuntada adduunka oo maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay inay xukuumadda Soomaaliya ka go’antahay sidii dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeyn cunto badqabta, Maadama Muhiim u tahay Bulshada Caalamka Iyo Caafimaaadkooda Maalinta badqabka cuntada aduunka oo ay maanta ku beegneyd waxaa ka hadlay wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa kawarmaya heerka caafimaadka.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Warcade