Munaasabad lagu xusaayay maalinta Badaha aduunka Oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

0
77

Baydhabo (Raathiyow Arlaathy) Meerahan aynu u naqaano Dhulka waxa ka buuxa biyo, qiyaastii 70% oogadiisa waxa ku daboolan badaha. Baduhu waa isha ugu weyn ee nolosha, waxayna bixiyaan kala badh ogsijiinta adduunka, waxayna hoy u yihiin inta badan duurjoogta dhulka. sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Intaa waxaa dheer, baddu waa il cunto oo aad u badan malaayiin qof.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in warshadaha ku tiirsan badaha ay shaqaaleysiin doonaan ilaa 40 milyan oo qof oo adduunka ah tobanka sano ee soo socda.

Aduunka ayaa waxaa maanta laga xusayaa Maaalinta Badaha Aduunka oo la qabto 8 Juun Sanadkasta Olole lagu nadiifinayo xeebaha dalka ayaa laga sameeyay qaybo kamid ah xeebta caasimadda Muqdisho intii ay socotay munaasabadda Xuska maalinta caalamiga ah ee badaha (June 8) oo ay ka qeyb galeen madax ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya

Warkung waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here