Muhaajiriintii ugu badneyd sanadkan oo ku dhintay doon ku qallibantay badda Senegeal.

0
296

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo la sheegay inay ku wajahnaayeen Yurub ayaa dhintay kaddib markii doon sidday 200 oo qof ay ku quustay badda dalka Senegal, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay.

Doonta ayaa waxaa qabsaday dab waxayna ku quustay badda Sabtidii la soo dhaafay, wax yar kaddib markii ay ka soo baxday magaalada Mbour, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM).

Ilaa 60 qof ayaa la soo badbaadiyay, sida ay wararku sheegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here