Muhaajiriinta ku jira Xabsiyada Libya oo laga deerinayo Xalaadoodi Nololeed

0
324

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Boqolaal muhaajiriin ah oo ku jira xabsiga Ain Zara ee dalka Liibiya ayaa ku nool xaalado adag, kaddib markii dad kor u dhaafaya 1,000 qof oo ay carruur badani ku jirto lagu xiray halkaas, iyada oo howlgalkan ay cambaareeyeen hay’adaha xuquuqada aadanaha.

Ilaalada xabsiga Ain Zara iyo masuuliyiinta Libya ayaa sheegaya inay muhaajiriinta siiyaan cunto, hoy iyo daryeel caafimaad, laakiin muhaajiriinta ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah aysan heysan daryeel, welina ay aad u baqayaan.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, mas’uuliyiinta magaalada Tripoli ayaa xiray kumanaan muhaajiriin ah, waxaana howlgalkan ka dhashay dhimashada dhowr tahriibeyaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here