Muddada Uu Rasmus Hojlund Garoomada Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

0
103

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Weeraryahanka Manchester United Rasmus Hojlund ayaa lagu soo waramayaa inuu maqnaan karo todobaadka bilowga xilli ciyaareedka cusub ee premier League.

Imaatinka xiddiga reer Denmark ee Old Trafford ayaa la xaqiijiyay Sabtidii iyada oo xiddiga da’yarka ah qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.

Waxa jirtay warar sheegaya in uu xiddiga 20 jirka ah ciyaari doono kulankii ugu dambeeyay ee ay Man United isku diyaarinta la ciyaartay Athletic Bilbao laakiin waxa la ogaaday in uu xiddigu dhaawacnyaahay.

Tababare Erik Ten Hag ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddiga reer Denmark dhaawac ku seegi doono bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay Mirror, Xiddiga ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo 6 todobaad ah kadib dhaawaca dhabarka ah oo uu qabo.

Taas ayaa la macno ah in uu Xiddigu seegi doono 6 kulan oo ka mid ah horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here