Muddada Uu Martin Odegaard Ka Maqnaan Doono Arsenal Oo La Ogaaday.

0
32

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Martin Odegaard ayaa wajahaya sugitaan walaac ah oo ku saabsan heerka dhaawaca ka soo gaadhay kuraanta.

Kabtanka Gunners ayuu shaki ku jiraa kulanka Axada ee North London iyada oo la sheegayo in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah.

Xaalada waxa sii xumeeyay markii la arkay Odegaard oo ku boodaya bir isla markaas socon kari waayay taas oo baqdin ku abuurtay Arsenal.

Arsenal ayaa qiimayn doonta xaalada xiddiga maalmaha soo socda iyada oo ogaan doonta dhaawaca xiddiga ka soo gaadhay waajibaadka xulkiisa.

Wargayska VG ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Norway garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah kadib dhaawaca soo gaadhay.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Arsenal kuwaas oo la ciyaari doona kooxaha Tottenha, Atalanta iyo Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here