Mudada Uu Paul Pogba Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.

0
235

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa si Rasmi ah looga saaray waajibaadka xulka qarankiisa France kadib markii uu dhaawacmay Intii uu ku jiray tababarka xulkiisa.

Xiddiga ayaa ka dhaawacmay muruqa bawdada waxana uu haatan ku laabtay Manchester si uu u bilowdo ka soo kabsashada dhaawacii soo gaadhay.

Sida laga soo xigtay RMC Sport, xiddiga reer France ee 28 jirka ah uu garoomada ka maqnaan doono inta u dhexaysay 8 ilaa 10 todobaad kadib dhaawaca soo gaadhay.

Hadii ay wararkaas xaqiiqo noqdaan xiddiga Paul Pogba ayaan Man United u ciyaari doonin inta ka dhiman sanadkan haatan sii dhamaanaa ee 2021.

Pogba ayaa ganaax ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee Premier League kadib markii kaadhka cas loo taagay kulankii Ay guuldarada kala kulantay Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here