Mowjadda 2-aad ee COVID-19 oo fara ba’an ku heysa Faransiiska

0
321

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Faransiiska ayaa wajihi doona faafitaan ka COVID-19 oo bilooyin soconaya kaas oo hafin doona nidaamkiisa caafimaad hadii aysan wax isbedelin, sida ay qabaan khubarrada caafimaadka dalkaas.

“Mawjada labaad waxay ku imaaneysaa si ka dhakhso badan sidii aan moodeynay,” Patrick Bouet, oo ah madaxa Golaha Qaranka ee Dhakhaatiirta, ayaa u sheegay joornaalka todobaadlaha ah ee Journal du Dimanche.

Xayiraado cusub ayaa lagu talinayaa si loo yareeyo faafitaanka cudurka ee meelaha ugu daran ee dalka, oo ay ku jiraan magaalada Marseille ee Mediterranean iyo gobolka Paris, Bouet ayaa ku taliyay sidaasi.

“Saddex ilaa afar isbuuc gudahood haddii aysan wax isbedelin France waxay wajihi doontaa faafitaan baahsan oo ku baahsan dhulkeeda oo dhan” ayuu yiri Bouet.

Adeegga caafimaadka ee Faransiiska ayaa Sabtidii diiwaan geliyay 14,412 xaaladood oo cusub 24-kii saacadood ee la soo dhaafay – waxyarna ka hooseeya rikoodhka 16,000 ee la diiwaangeliyey khamiis iyo Jimcaha.

Faransiiska ayaa kamid ah waddamada ugu horreeya Yurub dhanka kiisaska COVID-19, waxaana guud ahaan dalkaasi laga diiwan geliyay in ka badan 527,000 oo kiis tan iyo markii ay aafadu ku faaftay caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here