Mourinho Oo Ka Jawaabay Xiisaha Chelsea Ee Paulo Dybala

0
124

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya xiddiga kooxdiisa ee Paulo Dybala chelsea.

Chelsea ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga Paulo Dybala iyada oo tababare Mauricio Pochettino doonayo in uu xiddiga keeno kooxdiisa si uu ugu xoojiyo weerarkiisa.

Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in uu taageere u yahay Dybala iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xiddiga 29 jirka ah lagu bur-burin karo lacag dhan 12 milyan oo euro.

Dybala ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in ay Roma gaadho final-ka tartanka UEFA Europa League xilli ciyaareedkii Hore halkaas oo lagu garaacay koobka.

Laakiin Jose Mourinho ayaa sheegaya in uuna ka war hayn ama uuna ogayn wax lacag ah oo lagu bur-burin karo xiddiga isla markaas uuna filayn in uu lumiyo xiddiga ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Markii la waydiiyay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Dybala, Mourinho ayaa yidhi”Ma garanayo wax xidhiidh ah oo ay chelsea la samaysay Dybala”.

“Laakiin sida iska cad waan la hadlaa Dybala sida xiddigaha kale oo dhan”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here