Mohamed Salah Oo Liverpool U Sheegay Halka Shardi Ee Uu Heshiiska Cusub Ugu Saxiixayo Liverpool.

0
516

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Mohamed Salah ayaa dalbaday 500,000 oo Ginni isbuucii si uu u noqdo xiddigii ugu dambeeyay ee Liverpool oo mustaqbalkiisa fog u hibeeya kooxda, sida ay qortay Daily Mirror.

Waxay timid kadib markii tababaraha Reds Jurgen Klopp uu xaqiijiyay in kooxdu ay wado wadahadalo ay ku kordhineyso qandaraaskiisa, oo ay ka harsan tahay wax ka yar laba sano.

29 jirkaan ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan Anfield heshiis cusub ayaana ka dhigi doona ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda isaga oo ka sare maraya xiddiga Virgil Van Dijk uu haatan qaataa £ 220,000 isbuucii.

Klopp ayaa doonaya in uu Salah raaxo wadada xiddigaha Van Dijk, Trent Alexander-Arnold and Jordan Henderson kuwaas oo mustaqbalkooda u hibeeyay kooxda.

Laakiin Salah ayaa Maamulka Reds u sheegay in uu doonayo 500,000 oo Ginni isbuucii taas oo ka dhigaysa xiddigaha ugu mushaharka badan taariikhda horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here