Mohamed Salah Oo Ku Biiraya Koox Premier League Ah.

0
223

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa laga yaabaa in uu ku biiro koox premier league ah sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool iyada oo heshiiskiisa kooxdu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka soo socota.

Ilaa haatan Salah ayaa dhaliyay 26 gool tartamada oo dhan isaga oo premier League dhaliyay 20 gool ahna xiddiga ugu goolasha badan.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Salah ayaa doonaya in uu sii joogo horyaalka premier League waxana uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxaha premier League hadii uu heshiis cusub u saxiixi waayo Liverpool.

Xiddiga reer Masar ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Anfield isla markaas oo uu doonayo in uu noqdo xiddiga ugu mushaharka badan premier League si uu u sii joogo Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here