Mohamed Salah Oo Kashifay Sababtii Ka Dambaysay Dabaal-Degii Uu Sameeyay Finalkii Champions League Xilli Ciyaareedkii Hore.

0
365

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ugu dambayn sharaxay sababtii ka dambaysay dabaal-degii uu sameeyay finalkii champions League xilli ciyaareedkii hore.

Mohamed Salah ayaa furay goolasha kooxdiisa finalkii champions League xilli ciyaareedkii hore ee ay la ciyaarayeen Tottenham isaga oo dhaliyay gool rikoodhe ah bilowgii ciyaarta.

Kadib goolka Mohamed Salah ayaa sameeyay dabaal-deg cusub kadib markii uu labadiisa gacmood is dhaafiyay kadib labada duleel ee sankiisa kala saaray labadiisa farood.

Salah oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Gabadhayda Makka ayaa iga dalbatay in aan sidaas u dabaal-dago hadii aan gool dhaliyo kulankaas waana wixii dhacay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here