Mohamed Salah Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Liverpool Kadib Goolkiisii Crystal Palace.

0
488

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxdiisa kulankii Crystal Palace.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay gool ka mid ah 3-dii gool ee ay Liverpool ku badisay kulanka kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho guusheedii 4-aad ee horyaalka premier League.

Kadib ciyaarta xiddiga reer Masar ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa isaa oo soo dhigay fariin la socdo dabaal dagii goolkii Crystal palace.

Mohamed Salah ayaa bogiisa Twitter-ka ku qoray”Idinka taageerayaasha, waxa aad sabab u tihiin in aan sii socdo, waxa aad i siisaan in ka badan awooda aadan waligiin ogayn”.

Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 5-aad ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo 4 gool ka dhaliyay Premier Legaue hal gool-na ka dhaliyay champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here