Mohamed Salah Oo Boorka Ka Jaftay Rikoor Uu Hal Xiddig Oo Kaliya Kaga Horeeyay

0
445

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxana uu gool u dhaliyay kooxdiisa Liveprool kulankii ay garaacday Inter Milan.

Kooxda Liverpool ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay Inter kulan ka dhacay garoonka San Siro kulan ka tirsanaa tartanka champions league gaar ahaan wareega 16-ka.

Salah ayaa kooxdiisa U dhaliyay goolka daqiiqadii 84-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta isaga oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa oo ciyaarta hogaaminaysay.

Kadib goolka Salah ayaa markii 2-aad gool ka dhaliyay San Siro xilli ciyaareedkan champions league kadib markii uu horay uga dhaliyay gool kooxda Ac Milan kulan ka tirsanaa wareega Group-yada.

MMohamed Salah ayaa noqday kaliya xiddigii 2-aad ee gool ka wada dhaliya kooxaha jaarka ah ee Ac Milan iyo Inter Milan xilli ciyaareed kaliya tartanka champions league kadib Peter Crouch oo sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2010/2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here