Mohamed Salah Mise Sadio Mane? Marcus Rashford Oo Doortay Midkooda Ugu Fiican Qaarada Africa.

0
400

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa kala doortay xiddigaha Liverpool ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane midkooda ugu fiican qaarada Africa wakhti xaadirkan la joogo.

Marcus Rashford ayaa xiddiga Sadio Mane u doortay xiddiga ugu fiican qaarada Africa isaga oo sheegay in uu ka fiicanyahay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah.

Rashford ayaa la waydiiyay xiddiga ugu fiican ee haatan qaarada Africa waxana uu doortay xiddiga Liverpool ee Sadio Mane isaga oo ka horaysiiyay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah.

Rashford oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay jiraan xiddigo qaarada Africa ah oo aad u fiican waliba ka ciyaara horyaalka premier League iyo horyaalada kale”.

“Laakiin aniga ahaan Sadio Mane ayaa ah xiddiga ugu fiican qaarada Africa”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here