Miyuu Federico Chiesa Ciyaari Doonaa Kulanka Milan?

0
18

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa xaqiijiyay in xiddiga heerka caalami ee dalka Italy Federico Chiesa uu ciyaari doono kulanka Champions League ee Liverpool ‘haddii loo baahdo’, laakiin waxa uu qirtay in aysan u badneyn inuu ku soo bilowdo weli.

Chiesa ayaa Liverpool ugu soo biiray 15 milyan oo euro maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaagan, ka dib markii loo sheegay in aanu qayb ka ahayn qorshaha Thiago Motta ee xilli ciyaareedka 2024-25.

26 jirkaan ayaa laga saaray shaxda kooxda koowaad wuxuuna inta badan tababarkii xagaaga si gaar ah u qaatay. Liverpool ayaa siisay barnaamij tababar oo gaar ah si uu dib ugu soo laabto taam ahaanshihiisa.

“Wuxuu la joogaa kooxda, maadaama aan sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee uu halkaan joogo, waxay noqon doontaa la yaab weyn haddii uu ku soo bilowdo kulanka”ayuu Slot yidhi.

“Uma malaynayo in uu ku bilaaban doono ciyaarta laakiin wuu ka qayb gali doonaa hadii loo baahdo”ayuu sii raaciyay.

“Waxa uu qaatay tababar gaar ah walina waa wakhti hore in uu ciyaaro 90 daqiiqo, waxa uu sidaas samayn doonaa kulamada soo socda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here