Miyuu Alcantara La Lug Heli Karaa Kulanka Crystal Palace , Tababare Klopp Ayaa Ka Jawaabay

0
246

Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa ka hadlay xaaladda  xiddigiisa Alcantara ka hor kulanka horyaalka Ingiriiska ee ay la  ciyaarayaan Crystale Palace .

Alcantara ayaa kooxdaas ka maqan tan iyo 17-kii October  xilligaas oo uu qeyb ka ahaa bar bar dhacii min labada gool ahaa ee ay la gaareen kooxda ay xiftaaltamaan ee Everton oo ay waqtigaas ku hishiiyeen bar bar dhac min laba gool ah .

Laacibka ayaa qamiistii markii ugu horeeysay cagtiisa soo dhigay dhulka cowska ee uu ku sameeyay tababarka  xilli ay soo baxeen warar sheegaya in laacibka ay u suura galeyso in uu la lug helo kulanka balse laacibka ayaa u gacan haatiyay in uu doonayo in mar hore tababar galiis si fog ugu soo kabsado.

Mar macalinka la weydiiyay in ay suura gal tahay in waqti dhaw laacibka ku soo laabto garoomada waxa uu Klopp yiri” Haa”

” Aan aragno sida xaaladda noqoto balse waxa ay u badan tahay in tababarka guud uu ku soo laaban doono todobaadka dambe ” ayuu sii raaciyay macalin Klopp

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here