Miyay Iska Iibinaysaa Man United Bruno Fernandes?

0
34

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxda Manchester United ayaa diyaar u ah inay dhagaystaan ​​dalabyada u imanaya kabtankooda Bruno Fernandes inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sidaa waxaa laga soo xiganayaa jariirada The Guardian,Red Devils ayaa suuqa dhigaysa inta badan kooxda.

United ma doonayso inay iibiso dhammaan ciyaartoydeeda, laakiin waxay doonaysaa inay dhaqaale u ururiso si ay ugu xoojiso kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegeysa in Fernandes, oo United ku sugnaa tan iyo January 2020, laga yaabo inuu doonayo qandaraas cusub.

Bruno ayaa doonaya in uu la mushahar noqdo xiddigaha kooxda ee sida Jadon Sancho iyo Marcus Rashford, kuwaas oo ka mid ah kuwa ugu mushaharka badan.

Fernandes waa inuu kooxda kala hadlo qorshahooda mustaqbalka fog si ay u ogaadaan haddii ay ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here