Mikel Arteta Oo Sheegay Laba Khalad Oo Ay Samaysay Arsenal Kulankii Chelsea.

0
95

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Mikel Arteta ayaa qirtay in ciyaartoydiisa Arsenal ay sameeyeen laba qalad oo muhiim ah kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Chelsea Sabtidii.

Chelsea ayaa ku hor martay 2 gool kadib markii ay Cole Palmer iyo Mykhailo Mudryk labada gool u dhaliyeen kooxda chelsea ka hor inta ayna Arsenal daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta ku soo laaban.

Arsenal ayaa inta badan ee ciyaarta ku dhibaatootay in ay wax fursad ah sameyeen inkasta oo ay maamulayeen ciyaarta.

Tababaraha Arsenal ayaa dhaleeceeyay xiddigaha kooxdiisa isaga oo sheegay in ay xiddigihiisu marar badan lumiyeen kubada taas oo xiddigaha chelsea u ogolaatay in ay la baxsadaan kubada”.

“Waxa khaldamay ayaa ah in bilowgii ciyaarta in aanan u ciyaarin si cad”ayuu Artete yidhi.

“Waxa aan kubada u dhaqaajinanay si aan ujeedo lahayn waana arin halis ah in la sameeyo marka aad la ciyaaraysid koox chelsea oo kale ah”.

“Kadib kumaanu guulaysan kubadaha cirka sidoo kale boosaska cidhiidhiga ah waxa aan u ogolaanaynay in ay la baxsadaan kubada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here