Mikel Arteta Oo Rikoodh Xun Kala Baxay Kulankii Everton.

0
163

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Everton ayaa dhulka ku jiiday kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Goodison Park.

Gool uu dhaliyay xiddiga James Tarkowski ayaa Everton ka caawiyay in ay garaacdo kooxda Arsenal kulan ay Arsenal si weyn u dhibaatootay.

Kadib guuldaradaas Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rikoodh xun kala baxay garoonka Everton.

Tababare Mikle Arteta ayaa laga badiyay dhamaan 3-dii kulan ee uu booqday Everton intii uu tababaraha ahaa.

Arteta ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee laga badiyay 3 kulan oo xidhiidh ah oo uu marti u yahay kooxda Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here