Mikel Arteta Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Noqon Kara Kabtanka Cusub Ee Arsenal

0
250

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa haatanba magacaabay laba xiddig oo kabtanimada kooxda ka badali doona Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda Arsenal ayaa maanta xaqiijisay in ay masuuliyada kabtanimada ka qaaday xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kadib khalad uu sameeyay laguna ganaaxay.

Taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa sugaya in ay ogaadaan xiddiga noqon doona badalka Pierre-Emerick Aubameyang ee kabtanimada kooxda Arsenal.

Mikel Arteta oo saxaafada la hadlaya ka hor kulanka West Ham ayuu yidhi”Waxa jira xiddigo qaban kara masuuliyada kabtanimo ee kooxda kulamada soo socda”.

“Waxa horay kooxda kabtan ugu noqday Granit Xhaka sidoo kale waxa kulamo qaar kabtan noqday Alexandre Lacazette sidaas darteed labadaas xiddig ayuu go’aanku ku ekaan doonaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here