Mikel Arteta Oo Kashifay Sababtii Uu Martin Odegaard Ku Seegay Kulankii Newcastle.

0
87

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Martin Odegaard uusan taam u ahayn inuu qayb ka ciyaaro kulankii Arsenal iyo Newcastle United ee horyaalka premier League.

Xiddiga reer Norway ayaa ku dhibaatoonayay dhaawac todobaadyadii ugu dambeeyay waxana la nasiyay kulankii Sheffield United.

Sidoo kale xiddiga ayaan ku bilaaban kulankii West Ham waxana uu badal ku soo galay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Nasiib xumo diyaar ma ahayn, sidaas darteed muu ciyaari karin kulanka”.

“Waa kabtankeena waana xiddig muhiim ah laakiin waxa ay fursad u soo baxday si uu xiddig kale is tijaabiyo”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here