Midowga Yurub oo ku howlan ballaarinta shirkadaha bixiya adeegga 5G

0
303

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Midowga Yurub ayaa sheegay in ay qasab ku tahay waddamada yurub in ay ballaaariyaan hirgelinta adeegga 5G ee dalalkooda kaddib shir ay yeesheen Jimcihii.

Tallaabadan ayaa ah mid lagu wiiqayo shirkadda ugu soo saarka badan agabka isgaarsiinta dunida ee Huawei lagana leeyahay dalka Shiinaha.’
Mareyknaka ayaa waddamada EU-da ama Midowga Yurub cadaadis ku saaraya in ay qaataan tallaabada uu qaaday ingiriiska ee uu uga maarmayo Huawei si uu u hirgeliyo adeegga 5G.

Bishii Nofeembar ee sannadii aan soo dhaafnay Midowga Yurub ayaa ku boorriyay in tallaabo adag la qaado si loo ballaariyo adeeg bixiyeyaasha qabaka 5G oo aan kaliya la dul taagnaan hal shirkad oo ay ula jeedeen Huawei iyagoo cadaadis aan kala go’ laheyn waqtigaasi kala kulmayey maamulka Trump.

Sababta ugu weyn ee loo ballaarinayo adeeg bixiyeyaasha 5G ayey ku tilmaamen mid lagu yareeynayo khataraha amni iyo dhaqaale xumo ee mustaqbalka ka imaan kara haddii hal shirkad oo adeeg bixiye ah lagu kalsoonaado.

Huawei ayaa si dar dar leh ku soo gashay Midowga Yurub kaddib markii ay hoos u dhigtay awooddii suuqeed ee NOKIA iyo Ericsson oo laga leeyahay dalalka Sweden iyo Finland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here