Midowga Yurub oo € 105.5 Milyan ugu Deeqay Dalalka Geeska Afrika.

0
292

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu siin doono dalalka geeska Afrika dhaqaalle dhan  € 105.5 milyan oo dheeri ah si wax looga qabto cudurka halista ah ee  coronavirus oo dalalka Geeska Afrika si weyn ugu sii fidiya.

Midowga Yurub waxaa uu sheegay  xaalada bini’aadminimo ee gobolka oo dad badani ay weli la daala dhacayaan dagaalada hubaysan, barakaca, abaaraha soo noqnoqda iyo daadadka loo baahan yahay in si weyn loo taageero.

“Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan ka geysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika,Gargaarka Midowga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaateysan, wuxuuna xoojin doonaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka coronavirus” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Midowga Yurub.

Deeqda Midowga Yurub ayaa looga heli doono siddaan  Jabuuti (€ 500,000), Itoobiya (€ 42 milyan), Kenya (€ 15 milyan) iyo Soomaaliya (€ 48 milyan).

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 24 qof ay ku dhinteen daadadkii maalmahan ka dhacayay Soomaaliya, in ka badan 283 qofna ay barakaceen, daadadkaas oo saameyay 700 oo kun oo qof oo ku nool 24 degmo.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Isku-duwidda Gargaarka ee ee Qaramada Midoobay ee OCHA, daadadkan ayaa yimid xilli waddanku uu la daalaa dhacayo ka hortagista xanuunnka COVID-19 oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen inta la xaqiijiyay 53 qof, 1,284 qofna uu ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here