Midowga Afrika oo Helay Malaayiin Dhibcood oo Tallaalka Covid-19 ah

0
284

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Midowga Afrika ayaa sheegay in ay heleen 300 oo milyan oo dhibcaha tallaalka Covid-19.

Wakaaladda wararka AP oo soo xiganaysa la taliye ka tirsan Xarunta la Dagaallanka Xanuunnada Afrika ee CDC ayaa sheegtay in Midowga Afrika uu haatan gacanta ku hayo ilaa 300 oo milyan oo dhibcaha tallaalka ah.

Dadka qaaradda Afrika ayaa tiradooda lagu qiyaasaa in ay ka badantahay 1.2 bilyan oo qof.

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa ahna guddomiyaha xilligan ee Midowga Afrika uu si rasmi ah u shaaciyo xogta ku saabsan helitaanka tallaalka.

Qaaradda ayaa laga diiwaan-geliyay ilaa 3,085,009 oo kiis oo xanuunka Korona ah halka dhimashaduna ay kor u dhaafeyso 73,504 oo qof.

Dalka Koofur Afrika oo ah dalka ugu daran ee uu xanuunku sida ba’an u halkeeyay ee qaaradda ayaa todobaad ka hor sheegay in ay dhawaan helayaan hal milyan oo dhibcood oo tallaalka xanuunka Covid-19 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here