Midka Goolal Badan Ka Dhaliyay Ronaldo Iyo Messi Tobbanka Kulan Ee Ugu Waaweyn Dunida

0
158

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Lionel Messi ayaa isaguna ugu dambayn inta lagu jiray kulamadan caalamiga ah dhaafay rekoodhka 100-ka gool ee heer qaran isagoo hadda 102 gool usoo dhaliyay guud ahaan dalkiisa Argentina.

Messi ayaa ah ciyaaryahankii saddexaad ee abid gaadhay tiradaas isagoo kaliya ka dambeeya Cristiano Ronaldo (122 gool) iyo weeraryahankii ree Iran ee Ali Daei (109 gool).

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa goolasha ay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ka kala dhaliyeen tobbanka xul ee ugu qiimaynta sarreeya FIFA.

Tobbanka Xul Ee FIFA Ugu Qiimayn Sarreeya

  1. Brazil
  2. Argentina
  3. France
  4. Belgium
  5. England
  6. Netherlands
  7. Croatia
  8. Italy
  9. Portugal
  10. Spain

Messi (15 gool)

  1. Brazil (5 gool)
  2. France (3)
  3. Croatia (3)
  4. Spain (2)
  5. Netherlands (1)
  6. Portugal (1)

Ronaldo (14 gool)

  1. Netherlands (4 gool)
  2. Belgium (3)
  3. Spain (3)
  4. France (2)
  5. Argentina (1)
  6. Croatia (1)

Dabcan bilooyin kahor goolashan waxa ku horreeyay Ronaldo balse Messi ayaa kusoo gaadhay goolal uu ka dhaliyay Koobkii Aduunka maadaama uu gaadhay shabaqyada France, Croatia iyo Netherlands.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here