Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah

0
168

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hay’adda fulinta Midowga Yurub ayaa ku baaqday in la dhimo 7.5 bilyan oo Yuuro oo lagu maalgeliyo Hungary, sababo la xiriira walaac laga qabo musuqmaasuqa iyo dib u dhaca dimuqraadiyadda.

Guddoomiyaha Miisaaniyadda Midowga Yurub, Johannes Hahn ayaa yiri: “Hungary waxay haysataa ilaa Noofambar 19 si ay wax uga qabato walaacyada”.

“Hadalkeena wuxuu ku saabsan yaahy jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU,” ayuu Hahn ka sheegay Brussels. “Midowga Yurub ma bixin karo lacag aan si buuxda looga ilaalin doonin is-dabamarin”.

Soojeedintan oo imaanaysa markii ugu horreysay ayaa qayb ka ah siyaasado cusub oo loogu talagalay ilaalinta sharciga ee 27-ka waddan ee Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here