Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Man United & Arsenal.

0
379

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Michael Owen ayaa isha ku haya kulanka adag ee todobaadkan dhexmari doona kooxaha Man United iyo Arsenal ee premier League.

United ayaa Axada marti galin doonta kooxda Arsenal kulan ka dhici doona Old Trafford kana tirsan todobaadkii 7-aad ee horyaalka prmeier League.

Labada kooxood ayaa raadinaya in ay ka soo baxaan kaalmaha dhexe ee ay kaga jiraan horyaalka una soo dhaqaaqaan boosaskii looga bartay ee sare.

Labada kooxood ayaa ku soo laabtay wadada guulaha kulamadii yurub ee champions League iyo Europa League laakiin waxa ay doonayaan in ay wadada guulaha ku soo laabtaan premier League.

Owen oo la hadlaya BetVictor ayaa yidhi”Bilowgii fiicnaa ee Arsenal waxa xumeeyay natiijooyinkii xumaa ee ugu dambeeyay sidaas darteed waxa ay si aad ah u doonayaan in ay mar kale qaab ciyaareed fiican iyo guulo soo bandhigaan”.

“United dhankoodu waxa ay qaab fiican soo bandhigeen kulankii Champions League waxana kor u kacday kalsoonidooda, Marcus Rashford ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican waxana uu noqon doonaa halista Arsenal”.

“Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa Rashford aamusin doonta waxana ay Old Trafford kala iman doonaan hal dhibic”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here