Michael Owen Oo Magacaabay Saxiixa Ugu Fiican Ee Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
275

Xiddigii hore ee kooxaha Man Unitd iyo Liverpool ee Michael Owen ayaa xiddiga Liverpool ee Diogo Jota u magacaabay saxiixa ugu fiican ee ilaa haatan xilli ciyaareedkan premier League.

Xiddiga reer Portugal ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan kadib markii uu 41 milyan oo euro ugu soo biiray Reds xagaagii.

Jota ayaa haatanba dhaliyay 9 gool 15 kulan oo uu u ciyaaray Liverpool tartamada oo dhan isaga oo Klopp ku qasbay in uu kulamada u qaybiyo isaga iyo Roberto Firmino.

Michael Owen ayaana rumaysan in kooxdiisii hore samaysay saxiixa ugu fiican xagaaga markii ay la soo saxiixatay Jota.

“Ma jirin cid saadaalisay in uu qaab ciyaareed cajiib ah ku bilaaban doono”ayuu Owen u sheegay BT Sport.

“Waxa aan odhan karaa in uu yahay saxiixa ugu fiican ilaa haatan horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here