Meydadka muhaajiriin laga helay dhulka saxaraha ah ee dalka Chad

0
133

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Hay’adda qaabilsan arrimaha muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay IOM ayaa sheegtay in ay aad uga naxday meydadka toddoba iyo labaatanka ah ee laga helay saxaraha waddanka Chad.

Qiyaastii 17 bilood ka hor ayaa la sheegay in muhaajiriintan ay ka soo ambabaxeen magaalada Moussoro ee bartamaha Chad, waxayna saarnaayeen gaari kuwa xamuulka ah.

Hay’adda IOM waxay u malaynaysaa in muhaajiriinta ay ku dhex lumeen saxaraha ka dibna baabuurkoodii uu jabay isla markaana ay haraad u dhinteen.

IOM ayaa sidoo kale sheegtay in muhaajiriinta ay ku jireen afar caruur ah.

Tan iyo sanadkii 2014-kii waxaa la diiwaangeliyay in saxaraha ay ku dhinteen 5600 qof, tiradaas oo ay kamid ah dadka kale oo maqan. Ha’yadda waxay aaminsan tahay in tirada ay intaas ka badan karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here