Messi Oo Tallaabo U Qaaday Ku Laabashada Barcelona.

0
133

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya in uu qaado talaabo muhiim ah si uu ugu fududaato in uu ku laabto kooxda Barcelona xagaaga.

Waxaa la og yahay in qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda PSG uu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ma jiro weli wax heshiis ah oo u dhexeeya Lionel Messi iyo PSG si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda inkasta oo ay Kooxdu isku dayayso in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Messi ayaa lala xiriiriyay suurtagalnimada inuu ka tago kooxda reer france iyada oo lala xidhiidhinaya ku laabashada Barcelona iyo horyaalada sucuudiga iyo maraykanka.

Sida laga soo xigtay majalada Forbes, Lionel Messi ayaa diyaar u ah in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu laabto kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa dhinaceeda xaqiijisay in ay doonayaan Messi laakiin waxa ay u sheegeen xiddiga in uu dhinaciisa ka fududeeyo heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here