Messi miyaa qaadi doona Koobka Adduunka mise Faransiiska ayaa mar kale ku guuleysan doona?

0
97

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Lionel Messi ma kula guuleysan doonaa Argentina Koobka Adduunka mise Kylian Mbappe ayaa Faransiiska ka caawin doonaa markii labaad oo isku xigta in uu qaado Koobka Adduunka?

Garoonka Lusail ee dalka Qatar waxaa galabta 6-da galabnimo ku wada dheeli doonaa xulalka Argentina iyo Faransiiska ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka.

Messi oo 35 sano jir ah ayaa toddobo jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or -wuxuu noqday ciyaartooyga ugu wanaagsan adduunka balse dalkiisa weli kulama guuleysan Koobka Adduunka.

“Dadka waxay Faransiiska ku tirinayaan in uu qaadayo Koobka balse fursadda aan heysanno ayaa ah waxaa ina la joogaa ciyaartoogii ugu wanaagsanaa abid” ayuu yiri goolhayaha xulka qaranka ee Argentina, Emiliano Martinez.

“Waxaan mar kasta ka maqleynay kooxda inaga soo horjeeda inay ugu cad cad tahay sababta ma muujinno in aan cid ka awood badanahay ama ka awood yar nahay”

“Mar kasta waxaan heysannaa ciyaartooygii ugu wanaagsanaa, difaaceenu wuu adag yahay, waxaan heysannaa fursado badan oo aan goolal ku dhalin karno”.

Tababaraha xulka qaranka ee Faransiiska Didier Deschamps ayaa dalkiisa Kaptan u ahaa markii ay qaadayeen Koobka Adduunka sanadkii 1998, haatana waa maamulaha xulka, markii labaad ayuu ku hoggaamiyay inay u gudbaan ciyaarta kama dambeysta, afar sano ka hor ayay aheyd markii ay Koobka Adduunka ku qaadeen dalka Ruushka.

Wuxuu yiri, “Waxaan garanayaa Argentina, dad badan oo ku sugan adduunka xitaa laga yaabaa in dadkaas ay Faransiis yihiin, waxay rajeynayaan in Lionel Messi uu ku guuleysan doono Koobka Adduunka, wax kasta ayaa sameyn doonaa si aan u gaarno hadafkayaga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here