Memphis Depay oo go’aamiyay wararka la xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda Barcelona

0
797

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga reer Hollan ee Memphis Depay ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Olympique Lyonnais, iyo suurtogalnimada uu kaga tagi karo naadiga reer France suuqa kala iibsiga ee haatan socda, gaar ahaan maadaama uu qandaraaskiisa dhacayo xagaaga soo socda.

Sida laga soo xigtay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France Memphis Depay ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Olympique Lyonnais, wuxuuna yiri:

“Marnaba ma sheegin inaan doonayo inaan baxo, marka aan wax sheego, marwalba waa la qalloociyaa”.

“Wali sanad kale ayaa ka harsan qandaraaskeyga, waxaan ahay kabtanka, waxaan heysanaa koox fiican, taasna mar hore ayaan muujinay”.

Memphis Depay Plays Down Talk of Ronald Koeman Reunion at Barcelona

“Waxaan dareemayaa wanaag ku aadan ujeedooyinkeyga, mar walbana taas ayaan muujiyaa”.

Haddalkan ayaa yimid kaddib markii uu Memphis Depay wareysi uu ku bixiyay telefishanka ku sheegay maalmo ka hor, inuu ku riyoonayo inuu u dhaqaaqo mid ka mid ah kooxaha waa weyn.

Memphis Depay ayaa sidoo kale cadeeyay xiriirka adag ee ka dhexeeyo isaga iyo macalinka cusub kooxda Barcelona ee Ronald Koeman, kaasoo albaabka u furay warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan suurtogalnimada uu ku imaan karo garoonka Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here