Maxkamada Racfaanka Gobalka Baay oo gurigeedi ku wareejisay Hooyo udhalatay wadanka Itoobiya oo Mudo 30 sano ah deganeyd Baydhabo.

0
252

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Haweeneydaan U dhalatay wadanka Ithopia oo Lagu magacaabo Ruza Abaara Lamaani waxay maanta Lawareegtay Guri lasheegay inay isku heysteen Nin Horey u qabay oo Mudo Sodon sano Deganayti Degmada Baydhaba islamarkaana Owlaad Badan U dhashay Kiiskaan ayaa socday Mudo Afarbilood Maxkamada Racfaanka Gobolka Bay ayaana Xukunkaas U ridey in Gabdhaan A y Leedahay Gurigaaan Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhaba Gaashaanle Dhexe Muqtaar Ibraahim Dukudow ayaa Marka Hore Carabka ku dhuftey in Ka boolis ahaan ay Maanta Fuliyeen Amarka Xukunka Maxkamada Racfaanka Gobolka Bay.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Bay Shekh Cumar Mahamed Nuur wuxuu Sheegay in Maanta Maxxkamada Ku Wareejisey Gurigeeda Maama Ruza Abaara Lamaani Isagoo si kooban sharaxaad ka bixiyey Dacwadaha ay qaado Maxkamada Racfaannka Waxay tahay iyo sida ay ku noqotay in Muwaadin Soomaliyeed Loo Xukmiyo Wadankiisa Muwaadin aan Dalka u dhalan.

Maama Ruza Abaara Lamaani ayaa Dareenkeeda Halkaasi kacabirtay Maadma Maanta Gurigeeda Lagu wareejiyey Iyadoona Ka sheekeysay Marxaladaha ay lasoo martay ina Maanta soo gaarto ay ayada Guusha Garta ayada raacdo.

Warkan waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nor Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here