Maxkamad ku talla Nigeria oo xukun ku riday rag soo faagay meydad si taajir u noqdan.

0
111

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Shan nin oo Nigeria u dhashay ayaa lagu xukumay min 12 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay inay soo faageen qalfoofta madaxa meydad bani’aadam.

Waxay doonayeen inay u geeyaan dhaqtar daawooyinka dabiiciga ah oo iyaga u diray, isagoo u sheegay inay taajir ku noqon doonaan.

Raggan ayaa qirtay dembiga kaddib markii lagu qabtay iyadoo jawaan ku sida qalfoofta.

Dacwad-oogaha ayaa maxkamadda u sheegay in raggan ay soo faageen meyd la aasay saddex sano kahor, kaasoo ku aasnaa qabuuraha Muslimiinta ee gobolka Nigeria oo ku yaalla bartamaha waqooyi ee dalkaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa soo xiray raggan da’da yar, oo iskugu jira 18 jir iyo 28 jir, horraantii September iyagoo qalfoofta u waday qof kale, sida uu ku amray dhaqtarka.

Dowladda Nigeria ayaa sidoo kale sheegtay in qeybaha jirka bani’aadamka loo adeegsado siyaabo la rumeysan yahay in lagu helayo hanti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here