Maxkamad ku taalla Giriigga oo afar dhalinyaro ku xukuntay 10 sano kadib markii ay gubeen xero qaxooti ay dagnaayeen

0
230

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maxkamad ku taalla Giriigga ayaa afar dhalinyaro oo u dhashay Giriigga ku xukuntay 10 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay inay sanadkii hore dab qabadsiiyeen xerada qaxooti ee ugu weyn Yurub.

Qareennadii difaacayay ayaa sheegay in ragan, oo beeniyay eedeymahaas, lagu helay inay si ula kac ah dabka u qabadsiiyeen xerada.

Waxayse xukunka maxkamadda ku sheegeen inuusan caddaalad ahayn.

Dabka baabi’yay xerada ciriirga ah ee Moria oo ku taalla jasiiradda Lesbos ayaa qaxootiga gaaraya 13,000 ka dhigay hoy la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here