Maxbuus iyo askarigii ilaalinayay oo wada baxsaday.

0
236

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Booliska Mareykanka ayaa baadi-goobaya nin xabsiga ka baxsaday oo loo haysto dacwado la xiriira dil iyo haweeney ka mid ahayd ilaalada xabsiga oo lagu tuhmayo inay caawisay.

Ninka baxsadka ah oo lagu magacaabo Casey White iyo haweeneyda askariga ah oo lagu magacaabo Vicki White, waxaa markii ugu dambeysay subixii Jimcaha lagu arkay saldhigga booliska Lauderdale ee Alabama.

Vicki ayaa sheegtay inay maxbuuska u waddo xarun caafimaad oo lagula socdo xaaladaha dhimirka, hase yeeshee, saraakiisha ayaa dib ka ogaaday in aysan arrintaas ku jirin qorshaha xarunta ee ballamaha.

Haweeneyda askariga ah ayay Jimcadii ahayd maalinteedii ugu dambeysay ee shaqada.

Rick Singleton oo ah taliyaha saldhigga Lauderdale ayaa sheegay in bil ka hor ay Vicki iibisay gurigeeda, ayna hadal-heysay inay qorsheyneyso inay u guurto xeebta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here