Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Messi oo riyadii 36-da sano ee Argentina rumeeyay sidoo kale ciyaartii uu soo bandhigayna ay noqotay mid kheyral caadi ah. Hadal hayn badan ayuu dhaliyay, gaar ahaan markii loo xiray marada madow ee xafladdii abaalmarinta.
Messi ayaa gool dhaliyay wareeg kasta oo ka mid ahaa koobka adduunka, sida wareegga guruubyada, wareega 16-ka, rubuc dhammaadka, semi-finalka iyo finalka.
Messi ayaa koobka aduunka dhaliyay 13 gool waxa uu sidoo kale caawiyay 8 gool. Goolkii uu dhaliyay daqiiqaddii 98-aad ayaa ahaa mid laga sheekeyn doono.
Messi oo ku guuleystay koobab badan oo kubadda cagta ah ayaa Argentina u qaadi waayay koobka adduunka muddo dheer.
Hassan Al Thawadi, oo ah xoghayaha guud ee guddiga qabanqaabada tartanka Qadar, ayaa BBC Sports u sheegay in uu yahay dhar xafladeed oo rasmi ah. Waxaa labiskaan loo siiyay ka qeyb qaadashada guusha ee Messi.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Koobka Adduunka sanadkan waa dhankeenna waxa uuna isku xirayaa dalalka Carabta iyo dhaqanka Muslimka iyo caalamka. Dharkan la siiyay Messi ma aha oo kaliya astaanta Qadar laakiin sidoo kale waxay astaan u tahay munaasabad Koobka Adduunka laga soo abaabulay goobtan.”
Dharka la siiyay Messi waxaa sidoo kale loo yaqaan Bisht. Waa lebbiska dhaqanka ee dalalka Carabta. Dharkan waxaa la xirtaa oo kaliya waqtiyo gaar ah.
Laakiin markii Messi la siiyay dharkaan oo uu xirtay ma uusan garaneynin sida loo xirto. Sheikh Tamim bin Hamad ayaa ka caawiyay Messi xirashada marada madow. Messi ayaa markaas u soo dhaqaaqay dhanka kooxda isagoo koobka wata, ka dibna waxa uu bilaabay inuu kor u qaado.
Dadka baraha bulshada isticmaala maxay ka yirahdeen marada Madow?
Jonny Ward oo u dhashay dalka Ireland oo wax ku qora baraha bulshada ayaa qoray in dharka madow ay qariyeen funaanadda caanka ah ee Messi ee lambar tobanka ah ee Argentina.
“Riyada Messi waxay ahayd inuu qaado koobka. Shawik Banerjee ayaa qoray inay hubaal tahay in dharka madow aysan ku jirin riyooyinkiisa.
Baluma ayaa isagana qoray in dharka madow uu dhacay Messi waqtigan.
Qof kale oo magaciisa lagu sheegay BDM ayaa qoray inuu doonayo sawirka Messi oo ku jira funaanadda Argentina oo aan lahayn shaadhka madow.
Adi Shah ayaa qoray ma jiraa qof tirtiri kara dharka madow?
Rob Wegner ayaa Twitter-ka ku soo qoray, “Messi waxa lagu qasbay in uu xirto maro madoow waqtigii ugu wacnaa ee xirfaddiisa ciyaareed. Hoggaamiyayaasha siyaasadda, madaxada dhaqanka waa in aan lagu martiqaadin xafladda abaalmarinta ee ciyaaraha ka dib.
Dadka qaar ayaa xitaa ku ammaanay Messi inuu oggolaaday inuu xirto marada bisht-ka. Waxaa jiray qoraallo badan oo dhanka Twitter-ka ah ayaa tibaaxayay in aan loogu talagalin in Messi inuu xirto bisht, laakiin qofna ma qorin arrinta goolhayaha Argentina Amy Martinez ee weerarka cad ahayd.
Qof kale baraha bulshada isticmaala oo lagu magacaabo Mohammad Muthir Ali ayaa qoray in Qatar ay Messi ku maamuustay Bisht-marada. Laakiin qaar ka mid ah saxafiyiinta reer galbeedka ayaa u arkayay dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu wiiqayo Qadar.