Maxay dowladda Sri Lanka sida qasabka ah ugu gubtay maydka canug yar oo Muslim ah?

0
282

Gubitaanka qasabka ah ee Sri Lanka loogu gaystay maydka canug yar oo Muslim ah oo 20 maalmood jiray ayaa waxa ay bannaanka soo dhigtay amarka muranka badan uu ka dhashay ee dowladda ee ah in la gubo maydadka dhammaan dadka u dhinta cudurka Covid-19.

Dadka dhaliilaya go’aankaas ayaa sheegaya in go’aanka aanan lagu salayn cilmiga sayniska balse loogu talagalay uun in lagu bartilmaameedsado bulshada laga tirada badan yahay. Sida uu ku soo warramay weriyaha Laanta Afka Sinhala ee BBCda.

Maxamed Faahim iyo xaaskiisa Fathima Shafna ayaa aad u farxay markii uu dhashay wiilkooda yar ee Shaykh 18-kii Nofeembar kaddib lix sanadood oo ay sugayaan.

Hasayeeshee faraxaddaas ma aanay sii raagin.

Habeenkii bisha Diseembar ay aheyd 7, ayaa waxa ay arkeen canugooda oo ay neefta ku dheggan tahay. Waxa ay kula ordeen Isbitaalka carruurta ee Lady Ridgeway, oo ah kan ugu wanaagsan caasimadda Colombo.

“Waxa ay noo sheegeen in wiilku uu xaalad culus ku sugan yahay oofwareenna uu hayo. Hasayeeshee markii la maraayo saqda dhexe ayey wiilka baareen kaddibna waxa ay noo sheegeen inuu ku dhacay fayraska korona,” Maxamed Fahim, oo ku shaqeysta TukTuk, ayaa u sheegay Warbahinta.

Dhakhaatiirta ayaa markii dambe waxa ay baareen Mr Fahim iyo xaaskiisa balse labaduba cudurka waa laga waayay.

“Waxaan waydiiyay sida canugayga loogaga heli karo cudurka xilli labadeennuba, weliba hooyadii nuujinaysay nagala waayay cudurka?”

Oohin, murugo iyo walwal kaddib, waalidiintaas walaacsan waxay saraakiishu u sheegeen inay gurigooda aadaan iyagoo baaritaanno kale oo dheeraad ah lagu samayn doono. Waxaa loo sheegay inay isbitaalka soo wacaan si ay xog dheeraad ah u helaan.

Maalintii xigtay, waxaa loo sheegay in canugooda uu u dhintay Covid-19. Mr Fahim ayaa dhakhaatiirta si joogta ah u waydiiyay inay baaritaan kale sameeyaan, hasayeeshee way diideen.

Kaddib dhakhaatiirtii ayaa waxa ay Mr Fahim waydiiyeen inuu saxiixo warqado uu ku ogolaanayo in la gubo maydka canugooda, sida uu dhigayo sharciga Sri Lanka.

Mr Fahim ayaa arrintaas diiday: sababtoo ah in la gubo maydka waa ka mamnuuc diinta Islaamka, oo waxa ay ka dhigan tahay in maydka la dhibaataynayo, arrintaas oo uu Allaah mamnuucay.

Arrintaas Mr Fahim kaliya kuma koobna ee qaar ka mid ah qoysaska Muslimiinta ah ayaa diiday inay sheegtaan maydadka ehelkooda dhintay, arrintaas oo horseedday in dowladdu ay iyadu gubto, halka qaar badan oo dadkaas ka mid ahna aanay aqbalayn dambaska dadkii ay jeclaayeen ee dhintay misana la gubay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here