Maxay Arsenal U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Horyaalka Premier League Kadib Guushii Newcastle.

0
123

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kadib guushii 2-0 ahayd ee ay Newcastle kaga soo gaadhay St. James Park, Arsenal ayaa soo yaraysay dhibcaha ay ka dambayso hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City.

Arsenal ayaa haatan Hal dhibic ka dambaysa kooxda Man City tartanka horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa u baahan in ay guulaysato kulamada u hadhay horyaalka premier League hadii ay wax rajo ah ka leedahay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Sidoo kale Arsenal ayaa rajaynaysa in ay Man City lumiso 5 dhibcood kulamada 4-ta ah ee uga dhiman xilli ciyaareedka.

Sidaas darteed Man City waa in ay 2 kulan bar-baro gashay sidoo kale hal kulan laga badiyo si ay Arsenal ugu guulaysto horyaalka xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa leh farqi fiican oo goolasha ah sidaas darteed hadii ay labada kooxood bar-baro ku noqdaan dhibcaha waxa ay ku qaadi doontaa farqiga goolasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here