Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Maxakmadda Sare ee Mareykanka ayaa baabi’isay sharci ay horey u ayiday oo dumarka Mareykanka u ogolaanayay inay ilmaha iska soo xaaqi karaan, iyadoo sharcigan lagu dhaqmayay tan iyo sanadkii 1973kii.
Waxa uu ka mid yahay sharciyada ugu muranka badnaa ee sida weyn u saameeya ololayaasha siyaasadda iyo doorashooyinka dalkan.
Lix ka mid ah sagaalka Qaadi ee Maxkamadda Sare ayaa u codeeyay in la’aalo, halka saddexda kale ay diideen.
Ku dhawaad kala bar gobolada Mareykanka ayaa la filayaa inay mamnuucaan ilma-iska soo tuurka. iyagoo ka shidaal qaadanaya go’aankan ay gaartay Maxkamadda Sare.